Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada Amaanka oo Muqdisho ku qabtay burcad Hubeesan (Daawo Sawirro)

Ciidamada booliiska ee ka howlgala degmada Dayniile ayaa xalay xaafado katirsan degmadaasi ku qabtay kooxo burcad hubeesan, oo dadka shacabka ah dhac iyo dhibaatooyin kalaba u geesanayay.

Burcadan ciidamada amaanka qabteen ayaa qaarkood xirnaa dareeska ciidanka milatariga Soomaaliya kuna hubeesnaa qoryo, halka kuwa kalana ay wateen tooreeyo ay dadka ku dhacayeen .

Maamulka degmada Dayniile ayaa sheegay in burcadan hubeesan la qabtay xilli dhac ka geesanayeen xaafado katirsan degmada o, waxaana maamulka sheegeen in burcadan sharciga lala tiigsan doono.

Kooxaha burcada hubeesan ee lagu qabto xaafado katirsan magaalada Muqdisho ayaa maalmo kadib mararka qaar laga soo daayaa xabsiyada, waxa ayna mar kale dib ugu laabtaan shaqadoodii dhaca iyo dhibaateenta shacabka.

Amanka magaalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay sii xumaanayay, waxaana magaalada kusoo badanayay kooxaha burcada hubeesan ee xiran dareeska ciidanka iyo sidoo kale ciyaalka weerada oo markan burcad isku bedelay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qaar ka mid ah rag Booliska Kenya shaaciyeen Sawiradooda oo isa soo dhiibay

Caydiid Ali

(Sawirro) Dowladii 3aad ee ka tirsan Carabta oo safaarad weyn ka furatay Israel

Caydiid Ali

Maqaayad weyn oo kutaala magaalada Muqdisho oo hada gubaneysa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---