Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa kulan la qaatay xubno ka tirsan Culimada Soomaaliyeed, kaasi oo ku aadan in culimadu ay door ka qaataan wacyi gelinta bulshada.
Kulanka oo ka qabsoomay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayuu Culimaa’udiinku kala hadlay sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dadaalka ay dowladdu ku bixineyso ka hortagga fikraha xagjirka ah ee Al-Shabaab dadku ku marin habaabinayaan.
Sheekh Cali Maxamuud Xasan (Wajiis) oo ka mid ah culimada maanta uu la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa xusay in dhankooda ay diyaar u yihiin sidii ay bulshada uga wacyi gelin lahaayeen fikirka qaldan ee ay Shabaabku shacabka ku marin habaabinayaan in uusan Diinta Islaamka raad ku lahayn.
“Galabta waxaan xafiiskiisa Ra’iisul Wasaaraha ugu nimid, guddiga sare ee culimada, Anagoo ah Guddiga sare ee culimada Soomaaliyeed, Sheekh Bashiir, Sheekh Nuur Baaruud, anigoo Sheekh Cali-Wajiis ah, Sheekh Cabdiqaadir Soomow iyo Dr Maxamed Xaaji, waxaan halkan ugu nimid inaan arrimaha Qaranka is dhaafsano, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya waxa uu culimada Soomaaliyeed siiyaa arrimo aad u muhiim ah, xogta dowladda iyo amuuraha hadba waxyaabaha u qabsoomay, guulo badan oo wax ku ool ah, culimaduna runtii ay aad u taageersantahay, iskaashi badana ay la leedahay dowladda” ayuu yiri Sheekh Cali Wajiis.
waxaa uu intaa ku daray
“Waxaan tallooyin ka siinay arrimaha Xajka iyo sida ugu fiican ee lagu xajin karo, sidoo kale amniga talooyin ku saabsan iyo cabashooyin nagu soo dhac dhacay oo bulshada xageeda nooga yimid oo uu aad nooga qanciyay, noona sheegay in waxyaabo badan oo dadku ka cabteen in wax ka qabanayo, waxaan kaloo kala hadalnay araah ku aadan arrimaha garsoorka, sidoo kale in la joogteeyo wadatashiga culimada iyo madaxda dowladda, shirka guul ayuu ku soo dhamaaday, Soomaalida waxaan ugu bishaareynayaa Insha Allah in Xukuumadda ay gacanta ku heyso arimo badan oo muhiim ah oo dalkan wax badan ka badali doonto”.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com