Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Wafdi ka socda Dowladda Turkiga oo gaaray Baydhabo lana kulmay Laftagareen (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa xarunta Madaxtooyadda  ee magaalada Baydhabo ku qaabilay wafdi ka socday Dowladda Turkiga.

Wafdiga ka socday dowladda Turkiga ayaa magaalada  Baydhabo ee xarunta KMG ee Koonfur Galbeed u tagay  sidii gargaar ay u gaarsiin lahaayeen dadka danta yar ee ku nool Magaaladda Baydhabo.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa uga warbixiyay wafdiga ka socday dowladda Turkiga xaalada abaaraha ee ku dhuftay deegaanada Koonfur Galbeed iyo baahiyaha gaarka ah ee qabaan dadka Baydhabo kusoo barakacay.

Wafdiga dowladda Turkiga ayaa sheegay intii karaankooda ah in gacan ka geesan doonaan caawinta iyo wax u qabashada dadka abaarta saameesay iyo dadka kale ee danta yar ee ku sugan xeryaha barakacayasaha ee xeryo kuyaalla Baydhabo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Duqa Muqdisho oo Degmooyin ka sameeyay Kormeer Amni xaqiijin ah (Sawirro)

Cabdi Cade

Israel oo qorsheyneysa iney boobto dhul kale oo ay leeyihiin reer Falastiin

Caydiid Ali

Doorashada Kursi loo xiray Musharax Madaxweyne oo Maanta dhaceysa (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---