Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Axmed Madoobe oo furumaha dagaalka ku booqday ciidanka Jubbaland (Sawirro)

Madaxweynaha Jubbaland Mudane Ahmed Mohamed Islaam ayaa maanta booqasho iyo salaan ugu tagay munaasabada ciida awgeed Ciidamada daraawiishta Jubaland ee ku sugan jiida hore.

Madaxweynaha ayaa booqashadan uga gol lahaa si farxada ciida uu ula qaybsado Ciidamada ku sugan jiida hore ee aan farxada ciida la qaadanaynin xaasaskooda iyo Caruurtooda waajibaadka qaran ee saaran darteed.

“Maanta oo kale waa inaan xusuusana kuwa naftooda u huraya dalkeena iyo dadkeena oo nabad hela dhaxanta iyo qoraxdana u taagan sidii kumanaan dadkeena ah ay nabad ugu seexan lahayeen” ayuu sidoo kale intaas ku daray.

Waxaa Madaxweynahu uu sheegay in Dowlada Federaalka ah iyo Jubaland ay si wadajir ah uga shaqaynayaan howlgalo midaysan oo Al-shabaab lagaga saarayo deegaanada ay wali ku harsan yihiin si culayska looga dulqaado dadka shacabka ah

“Fadliga Maalinka carafo awgii maanta waxaan booqasho ugu tagay Ciidamada Darawiishta Jubaland ee naftooda u huraya difaaca dalka iyo sidii shacabka Soomaaliyeed ay uga badbaadin lahayeen dhagarta argagixisada” ayuu yiri Axmed Madoobe.

 

Related posts

Madaxweyne Deni oo sheegay in la jabsaday Imixaanka degaano ka tirsan Puntland (Sawirro)

Caydiid Ali

Siyaasiyiin Caan ah oo kahor yimid Go’aannadii kasoo baxay Shirka Golaha Wadatashiga

Cabdi Cade

RW Khayre: “Dhaqaatiirtu waxay ku jiraan dagaal nooca xabbadda la’isu dhigo”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---