Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Waa kuma Ninka Muslimka ah ee laga yaabo inuu noqdo RW cusub ee Britain?

Nin ka soo jeeda qoys muslim ah oo ku dhashay dalka Britain waaliddiintiisuna ay ka soo jeedaan dalka Pakistan ayaa doonaya inuu qabto xilka RW Britain

Sajid Javid oo horey u soo Xoghayaha Caaafimaadka ee UK, isagoo sanadkii 2019 isku soo taagay hoggaamiyaha xisbiga talada dalka haya balse waxaa cod bixinta uga guuleystay Boris Johnson oo shalay iska casilay xilka RW Britain.

Javid, oo ka soo jeeda qoys Pakistani ah wuxuu UK yimid 1960-kii, wuxuuna ka soo shaqeeyey arrimaha bulshada, dowladda hoose iyo xoghayaha arimaha gudaha.

52 jirkan ayaa baarlamaanka Britain soo galay 2010-kii, isagoo ka mid ahaa dadka taageersanaa iney UK ka sii mid ahaato midowga Yurub.

Iscasilaadii Borris Johnson ayaa ka dhigan iney UK ka dhaceyso doorasho lagu dooranayo hoggaamiyaha xisbiga Muxaafidka iyo Ra’isal Wasaaraha.

Waxaa jira musharaxiin kale oo doonaya iney xilkan qabtaan hadii loo doorto, mana cada cida rasmi ahaan ku soo bixi doonta, hase ahaatee Sajid Javid loo doorto xilkan waxaa uu noqonayaa RW ugu horeeyey muslim ah ee soo mara Britain.

Related posts

Xog ku aadan halka uu ka dhacayo iyo Waxa looga hadlayo kulanka Dhax maraya Farmaajo iyo Madaxdii hore

Cabdi Cade

Gaadiid dagaal iyo Ciidamo lagu wareejiyay maamulka Puntland (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

DF oo ku adkeysatay in shirka wadatashiga doorashada lagu qabto Garoowe

Caydiid Ali
Taboola Ads ---