Allbanaadir.com
NEWS

Dil naxdin leh oo ka dhacay degaan hoos taga Kismaayo & faahfaahino ka soo baxaya

Degaanka Buulo Gaduud oo qiyaastii 30km u jira magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose ayaa galabta wiil dhalinyaro waxaa uu ku diley Aabihiis.

Wararka ayaa sheegaya in wiilkan uu dilka aabihiis u adeegsaday Baangad uu qoorta kaga jaray.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Jubbaland oo ku sugnaa degaanka Buulo Gaduud ayaa  gacanta ku dhigey wiilka aabihiis dilay oo haatan ku jira xabsiga sida uu xaqiijiyey Taliyaha Booliska Kismaayo Warsame Aadan.

Lama oga illaa hadda sababta ku xambaartay wiilkan inuu dilo aabihiis, iyadoo saraakiisha booliska Kismaayo ay sheegeen iney baaritaan ku hayaan, hase ahaatee warar laga helayo dadka degaanka ayaa sheegaya inuu jiray dilka ka hor muran dhexmaray wiilka iyo aabihiis.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Socdaalkii Khayre ku marayey gobolada dalka qaarkood oo soo gebogeboobay

Caydiid Ali

Ciidamada ATMIS oo gowracay Saddex wiil oo Soomaali ah

Cabdi Cade

Wararkii ugu dambeeyey tacshiirad la isku weydaarsaday xadka labada Kuuriya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---