Madaxweynaha maamulka Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa xalay kulan casho sharaf ah Madaxtooyada kula qaatay wefti ka socday dalka Itoobiya oo hawlo shaqo u joogay magaalada Hargeysa.
Muuse Biixi iyo Wefdiga ka socday Itoobiya ayaa wada hadlay xoojinta xidhiidhka wada shaqayneed ee ay labada dhinac horeba isaga kaashan jireen, waxa kale oo kulankaa lagaga wada hadlay arrimaha isu socodka ganacsiga ee Somaliland iyo dalka Itoobiya.
Kulankaas Waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey wasiirrada wasaarradaha Arrimaha Dibedda iyo iskaashiga Caalamiga ah, Dr Ciise Keyd Maxamuud, Horumarinta Maaliyadda, Dr Sacad Cali Shire, Ganacsiga iyo Dalxiiska Mudane Maxamuud Xasan Sacad Saajin, Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Mudane Cabdrisaaq Ibraahim Maxamed iyo Taliyaha Ciidamada ilaalada Xeebaha Somaliland, Admiral Ahmed Hurre Haarriye.
Dhinaca Weftiga, ka socday Itoobiyana waxay ka koobnaayeen Wasiirka Gaadiidka iyo Saadka, Marwo Dagmawit Moges, Wasiir, La-taliyaha Amniga Qaranka, mudane Redwan Hussien, Agaasime ku xigeenka Afrika ee wasaaradda arrimaha dibedda, Amb. Jamaluddin Mustafa, Agaasimaha Amniga Badaha, Mudane Yehualashet Jemere iyo Safiirka Itoobiya u fadhiya Somaliland Amb. Saeed Muhamed Jibril.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com