Allbanaadir.com
NEWS

Soomaaliya iyo Turkiga oo kala saxiixday heshiis taageero gaar ah oo lagu dhisayo…

Siihayaha Xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda ahna Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Balal Maxamed Cusmaan, ayaa Magaalada Ankara kula saxiixday heshiis taageero deeqo gaar ah Wasiirka Deegaanka, Magaalaynta iyo Isbeddelka Cimilada, Mudane Murat Kurum, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen Madaxweynayaasha labada dal ee walaalaha ah, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Mudane Recep Tayyip ErdoÄŸan.

Heshiiska ayaa waxa uu si mug leh u caddaynayaa in laga dhiso Magaalada Ankara ee Caasimadda Turkiga dhismo ballaaran oo qeybo kala duwan leh oo ka tarjumaya baahida Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga waxaa ka dhaxeeya xiriir taariikhi ah iyo mid istiraatijiyadeed oo sal-adag oo leh heer siyaasadeed, dhaqaale, dhaqan, milatari iyo kuwo kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada oo War kasoo saartay siyaasadda aqoonsiga iyo diiwaangelinta Dadweynaha

Cabdi Cade

Dil maanta ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Ciidanka dowladda oo isaga baxay degmada Ceelbuur iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---