Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Booliiska Shan Dal oo Yurub katirsan oo bilaabay howlgal ka dhan ah kuwa wax Tahriibiya

Qaar kamid ah Waddamada Yurub ayaa ku heshiiyay in ay dagaal la galaan kooxaha wax tahriibiya ee ku sugan qeybo kamid ah dalalka Yurub, kuwaa oo lagu eedeeyay in ay sabab u yihiin dadka sharci darada ah ee soo galaya waddamada Yurub qaarkood.

Booliiska dalalka Belgium, Britain, France, Netherlands iyo Jarmalka ayaa si wadajir ah u bilaabay howlgalo lagu baacsanayo kooxaha wax tahriibiya, waxa ayna booliiska howlgalkii ugu horeeyay ka fuliyeen gudaha Jarmalka.

Dowladda Jarmalka ayaa sheegtay in booliiska shanta dal oo wada jira howlgal ka fuliyeen magaalada Osnabrück ee waqooyi-galbeed ee Jarmalka, waxaana magaalada howlgalka laga fuliyay lagu tiriyaa halka ugu badan ay joogaan kooxaha wax tahriibiya.

Booliiska ayaa intii howlgalka wadeen waxa ay gacanta ku dhigeen dhoor qof oo lagu tuhmayo in ay qeyb ka yihiin kooxaha wax tahriibiya, waxa ayna booliiska sheegeen in ay baaritaan ku sameenayaan  dadka la xiray.

Bayaan uu soo saaray, booliiska ayaa lagu sheegay in ilaa 900 oo booliis ah la geeyay Jarmalka , waxayna baareen 36 goobood waxayna xireen 18 tuhmaneyaal ah hawlgal ay sameeyeen Booliska Yurub “Europol” iyo hay’adda garsoorka ee Midowga Yurub “Eurojust”.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Natiijada Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhaxe ee G/Banaadir oo la shaaciyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Maxaa hakiyey howlgaladii ka dhanka ahaa Al-shabaab ee ka socda gobolada dhexe?

Caydiid Ali

Dowladaha Somalia & Sacuudiga oo heshiis kale ku kala saxiixday Riyadh (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---