Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Itoobiya & Sudan oo heshiis hordhac ah ka gaaray xiisada ka taagan xadka labada dal

Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo hoggaamiyaha militeriga Sudan Jen. Cabdel Fataax Al Burhaan ayaa heshiis hordhac ah a gaaray xiisada milateri ee u dhexeysa labada dal ee deriska ah.

Labada hogaamiye oo kulan ku yeeshay Nairibi ayaa ku heshiiyay si nabad ah loo xalliyo muranka in muddo ah ka taagnaa xuduudda labada dal ee horseeday dagaalka.

“Waxaan labadeena ku heshiinay in labada dal ay isla meel dhigeen tallaabooyin iskaashi ah oo ay si nabad ah uga wada shaqeynayaan arrinta” ayuu yiri Abiy oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Abiy wuxuu hadalkiisa sii raaciyay “waxaana naga go’an wadahadal iyo in xal nabadeed lagu xalliyo arrimaha taagan”

Hoggaamiyaha militeriga Suudaan ayaa dhinaciisa sheegay in kulanka uu ahaa mid miro dhal ah oo lagu guuleystay, ayna sii socon doonaan wadahadalada

Heshiiskan hordhaca ah ayaa yimid xilli dhawaan ay cidamada labada dal ku  dagaalameeb degaanka Al Fashaqa oo ay ku muransan yihiin Sudan iyo Itoobiya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qalbi-dhagax oo saaka lagu soo dhoweeyey Magaalada Dhuusamareeb (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Maxay ka wada hadleen Guddoomiye Madoobe & danjire Alberto Vecchi? (Sawirro)

Caydiid Ali

Meydadka Wiilal walaalo ah oo saaka laga helay Webiga Shabelle ee Belad-weyne

Caydiid Ali
Taboola Ads ---