Allbanaadir.com
NEWS

Xasan Sheekh oo si weyn loogu soo dhaweeyay Madaxtooyada Turkiga iyo Madaafiic loo riday (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo dhaweyn milgo sare leh loogu sameeyay qasriga madaxtooyada Turkiga ee Ankara.

Xasan Sheekh Maxamuud  ayaa markii uu tagay xarunta madaxtooyada Turkiga, waxaa halkaas oo uu salaan sharaf uga qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Turkiga , waxaana loo riday 21 madfac.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu hadda ka qeyb galayaa kulan isaga iyo dhiggiisa dowladda Turkiga Recep Tayyip Erdoğan uga socda qasriga xarunta madaxtooyada Turkiga.

Kulanka labada Madaxweyne u socda ayaa looga hadlayaa xoojinta xiriirka labada dal ka dhaxeeya, iyo sidii labada dowladood u yeelan lahaayeen iskaashi cusub oo dhinaca ganacsiga iyo amaanka la xariira iyo qidobo kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Saraakiil katirsan Hay’adda FBI-da Mareykanka oo iska hor imaad lagu dilay

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo dhaleeceyn kala kulmay sawir uu la galay Col. Tuke

Caydiid Ali

Dowlada oo xil ka qaadis iyo Shaqo joojin ku sameeneysa Masuuliyiin iyo saraakiil ciidan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---