Waxaa maanta barqadii qarax miino oo ka dhacay degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir lagu dilay Xaashi Xasan Cumar , oo ahaa nin qurbo joog ahaa oo sannado badan ku noolaa dalka dibadiisa.
Qaraxa ayaa la sheegay in uu dhaawac culus markii hore kasoo gaaray kadibna u geeriyooday Xaashi Cumar, lamana soo sheegin khasaaro kale oo ka dhashay qaraxan miino ee saakay dhacay.
Xaashi Cumar ayaa muddo 19-sanno ka badan u xirnaa dowladda Talyaaniga oo ku eedeesay in uu ku lug lahaa dil sannadkii 1994-tii magaalada Muqdisho loogu geestay gabar wariye ah oo u dhalatay Talyaaniga iyo sawir qaadaheedii.
Muwaadinkan Soomaaliyeed ayaa markii dambe dowladda Talyaaniga ku weesay dambigii ay u xirtay sannadaha badan, waxaana maxkamad kutaalla dalka Talyaaniga Xaashi Cumar u xukuntay in la siiyo lacag magdhaw ah.
Booliiska Soomaaliya ayaan wali ka hadlin qaraxan saakay ka dhacay magaalada Muqdisho ee lagu dilay Xaashi Cumar, mana jiro ilaa hadda cid sheegatay masuuliyada qaraxan lagu dilay ninkan qurbo jooga ahaa balse dalkiisa dib ugu soo laabtay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com