Allbanaadir.com
NEWS

Garyaqaanka Guud ee Dowladda oo amray in la joojiyo Dhul boob ay wadaan Ciidamo iyo Shacab

Qoraal goordhaw kasoo baxay Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dowladda Soomaaliya ayaa lagu amray in la joojiyo dhul boob ka socda xarunta dhulka Xarunta Lafoole ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Boobka lagu hayo dhulka ay leedahay dowladda gaar ahaan xarunta Lafoole ayaa la sheegay in ay geesanayaan ciidamo hubeesan oo katirsan dowladda iyo dad kale oo shacab ah.

Halkan ka akhriso Qoraalka goordhaw kasoo baxay Garyaqaanka guud ee dalka

Xafiiska Garyaqaanka Guud asagoo Tixraacaya Warqadda Ref:JUS/MG/GJ/00764/2022
ee 28/06/2022, kana so baxday Xafiiska Rector-ka (Guddoomiyaha) Jaamacadda
Ummadda, Ujeedaduna ahayd Joojin Boob Dhul.

Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dowladda oo ka masuul ah Difaaca Hantida Dowladda
(Guurtada iyo Maguurtada) iyo Daryeelidda Dhammaan Danta Guud ee Qaranka, si
Waafaqsan qodobka 3aad ee Xeer Lam.18, ee Soo baxay 29 jannaayo 1976, waxaa soo
gaartay xog xaqijineysa in dad shacab ah iyo cidamo hubeysan ay boob ku hayaan
dhulka Xarunta Lafoole ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, dadkaas oo doonaya in
ay sifo sharci darro ah ku milkiyaan dhulka Danta-guud ee JUS.

Haddaba, Xafiska Garyaqaanka Guud waxa uu ku war-gelinayaa dadka shacabka ah,
Ciidamada hubeysan iyo cid kasta ee ku hawlan qabsashada, Cabiridda, Deegaameynta,
dhismayaasha sharci darrada ah iyo wax kasta oo waxka bedelaya Asalka dhulkaas in ay
ka waantoobaan, waxaa sidoo kale Xafiisku ku war-gelinayaa Masuuliyiinta Gobolka
Sh/hoose, gaar ahaan kuwa Degmada Afgooye iyo Taliska Boliiska Degmada in ay xil iska
saaraan Joojinta boobka dhulkaas iyo llaalinta Guud ahaan Hantida Danta Guud gaar
ahaan Dhulka Xarunta Lafoole ee JUS.

Dr. Cusmaan Cilmi Guleed
Garyaqaanka Guud Ee Dowladda

 

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidanka Danab oo sheegay iney burburiyeen Saldhig ay lahaayeen Al-Shabaab (Sawirro)

Caydiid Ali

Ciidanka xoogga dalka oo weerar xeeladeysan ku qaaday Al Shabaab

Cabdi Cade

Xassan Shiikh iyo dhigiisa Kenya oo wadahadal ku yeeshay Nairobi (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---