Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Weerar lagu qaaday Kolonyo gaadiid ah uu la socday Madaxweyne Caan ah

Kolonyo gaadiid ah uu la socday Madaxweynaha dalka Nageria, Muhammadu Buhari ayaa weerar gaadmo ah lagu qaaday xilli ay marayeen gobolka uu kasoo jeedo Madaxweynaha ee Katsina ee dhaca waqooyiga Nageria.

Ciidamada milatariga gaar ahaan ilaalada gaarka ah ee Madaxweynaha dalka Nageria ayaa iska caabin ku sameeyay kooxdii weerartay, waxaana weerarkan dhacay xilli Madaxweynaha uu kusii jeeday magaalada uu kasoo jeedo ee Daura .

Inta la xaqiijiyay labo qof oo kamid ah dadkii la socday kolonyada gaadiidka Madaxweynaha ayaa ku dhaawacmay weerarka, waxaana la sheegay in wax khasaaro ah uusan kasoo gaarin weerarka Madaxweynaha iyo masuuliyiintii kale ee la socotay.

Madaxweynaha dalka Nageria ayaa u safray magaalada uu kasoo jeedo ee Daura , halkaas oo madaxweynaha la sheegay in munaasabadda ciida kula dabaaldegayo dadka ku dhaqan magaaladaasi lana qaadanayo farxada maalintaasi weyn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Tababar Muddo bil ah soconaya oo loo furay Shaqaalaha Wasaaradda Beeraha Somalia (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Mataano isku dhegan oo Qalliin lagu sameenayo iyo Boqor Salmaan oo taageeraya

Cabdi Cade

Siyaasadda Madasha Badbaado Qaran: Ma Cayaar Jogta Ahba Mise Waa Awood Isbeddel Curin Karta?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---