Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidanka NISA oo howlgal culus ka bilaabay Muqdisho, ka dib burcad ku soo badatay (Sawirro)

Ciidanka Gaarka ah ee NISA ayaa howlgalo ka sameeyay degmooyinka Howlwadaag, Warta-Nabadda, Yaaqshiid, Kaaraan iyo qaybo kale oo ka tirsan magaalada Muqdisho.

Howlgaladaan ayaa ka dambeeyay cabasho ka timid qaar ka mid ah shacabka Muqdisho taasoo la xiriirtay burcad iyo Tuugo xiliyadda habeenkii ah dhac u gaysta.

Taliyaha Hay’adda NISA ee Gobalka Banaadir Muxudiin Warbac Shadoor oo la kulmay qaar ka mid ah dadkii ka cabanayay Tuugada dhaca u gaystay, ayaa u sheegay in ciidamadu howlgalo ay wadaan sidoo kalana gacanta lagu soo dhigi doono qof kasta oo qal-qal galiya amniga magaalada.

Intii lagu jiray Howlgalka, ayaa sidoo kale waxaa lagu soo qabtay kooxo watay mindiyo, waxaana ciidamadu ay u gudbiyeen Booliska si baaritaano loogu sameeyo.

Magaalada Muqdisho waxaa 24kii saac ee la soo dhaafay ka dhacay dhac xoogan oo ay geysteen burcad la sheegay in qaarkood ay wateen  dareyska ciidamada, waxaana dhaca shacabku uu gaaray heer guryaha loogu galo, lana boobo hantidooda.

Related posts

(Daawo Sawirro) Sidee caawa Xuska 1-da Luulyo looga dabaaldegay Dhuusamareeb?

Caydiid Ali

Boris Johnson oo ugu dambeyn laga saaray Isbitaal looga daweeyey Coronavirus

Caydiid Ali

Maamulkii Magaalada Baydhabo xilka laga qaaday iyo Mid cusub oo lagu bedelay (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---