Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ex-Madaxweyne Ku-xigeenkii Kenya oo fagaare ka sheegay hadal Soomaalida ka yaabiyey

Kalonzo Musyoka Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Kenya ayaa sheegay hadal dad badan ka yaabiyey oo ah inuu kasoo jeedo mid ka mid ah qabiillada Soomaalida.

Waxaa uu hadalkan ka jeediyey dibed-bax siyaasadeed oo uu uga qayb galay magaalada Habaas-weyne ee ismaamulka Wajeer.

Hadal-hayn aad u ballaaran ayaa ka dhalatay hadalkiisa oo maalmihii lasoo dhaafay qabsatay baraha bulshada.

Musyoka ayaa fagaaraha uu ka khudbeynayay oo ay dadweyne aad u badan isugu imaadeen ka sheegay in qabiilkiisa oo lagu magacaabo Wakamba looga yaqaanno Soomaaliya Digil iyo Mirifle

Dadka intiisa badan ayaa hadalladiisa ku tilmaamay kuwo u muuqday kaftan uu la wadaagayay Soomaalida ku sugnayd goobta uu ka hadlayay.

Related posts

Dayuurado duqeeyey dagaalyahano iyo saraakiil ka tirsan Al-Shabaab

Caydiid Ali

Musharaxiinta Puntland ee booqanaya degaanka Tukaraq oo amar culus lagu soo rogay

Caydiid Ali

Puntland oo ka hor timid dalabkii Farmaajo, War cusubna ka soo saartay xubnaha xiran

Caydiid Ali
Taboola Ads ---