Allbanaadir.com
NEWS

Ku-simaha Madaxweynaha oo Guddiyada Golaha Shacabka ku wareejiyay Xafiisyo cusub (Daawo Sawirro)

Ku-simaha Madaxweynaha Dalka ahna Guddoonka Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa mudooyinkii dambe waxa uu xarunta guddoonka iyo gudiyada ee Villa Hargeysa ka waday dhismaha xafiisyo ay ku shaqeeyaan gudiyada golaha shacabka ,waxaana dhawaan lasoo gaba gabeeyay dhismaha xafiisyada ay ku shaqeyn donaan 15-ka gudi ee golaha shacabka.

Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa maanta xafiisyadooda ku wareejiyay ilaa sedax gudi oo ka tirsan golaha shacabka oo kala ah gudiga xuquuqul insaanka ,Guddiga arrimaha dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah iyo sidoo kale gudiga Howlaha guud,waxaana Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah gudiga howlaha guud ee golaha shacabka uu u mahad celiyay guddoonka golaha shacabka.

Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux oo ah Habdhowraha Golaha Shacabka ayaa Gudoonka ku bogaadiyay howsha wanaagsan ee ay qabteen.

In gudiyada golaha shacabka ay helaan xafiisyo ay ku shaqeeyaan waxa ay gudiyada u sahleysaa in ay helaan meel loogu soo hagaago oo ay ku qaban karaan howlaha loo igmaday oo ay ka mid yihiin la xisaabtanka iyo kor joogteynta Hay’adaha Dowladda.

Ilaa laba iyo Toban xafiis oo ay ku shaqeyn doonaan 13-gudi ayaa weli harsan kuwaasoo dhawaan lagu wareejin doono gudiyadii loogu tala galay in ay ku shaqeeyaan sida guddoonka golaha shacabka uu sheegay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Boqolaal ka tirsan ardayda dugsiyada Sare oo booqday Jaamacadda Benaadir (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Mareykanka oo Digniin adag u diray Turkiga kana hor yimid howlgal ay qorsheenayaan

Cabdi Cade

(Sawirro) Weriye Cawil Daahir & shaqaalihii la geeriyooday ee Universal-TV oo Muqdisho lagu aasay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---