Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Sicir bararkii ugu sareeyey muddo rubac qarni ah oo ka taagan dalka Turkiga

Sicir-bararka dalka Turkiga ee bishii June ayaa gaaray 78.6 boqolkiiba — taasi oo ah heerkii ugu sarreeyey muddo 24 sano ah kaasoo noqday sicirklii bararkii ugu sareeyey muddo rubac qarni

Heerka sicir-bararka ee ay maanta shaacisay hay’adda tiro koobka Turkiga ayaa ah kii ugu sarreeyey tan iyo bishii Janaayo 1998-kii.

Heerak sicir-bararka ayaa bishii May ahaa 73.5 boqolkiiba, halka uu taagnaa 15 boqolkiiba sanadkii tegay.

Wasiirka Dhaqaalaha Nureddin Nebati ayaa Jimcihii wacad ku maray in qiimaha maciishadda ay billaabi doonaan inay hoos u dhacaan bisha December.

“Waxaan idinka iyo madaxweynaha idiin ballan-qaadayaa inaan arki doonno in sicir-bararka uu hoos u dhaco laga billaabo December,” ayey warbaahinta Turkey kasoo xigatay.

Sida lagu sheegay xogta rasmiga ah, sare u kaca sicir-bararka ayaa waxaa xoojiyey qiimaha gaadiidka oo sare u kacay 123.4 boqolkiiba iyo cabitaanada aan alkolada ahayn oo sare u kacay 94 boqolkiiba.

Xasaradda Turkey ayaa billaabay markii madaxweyne Erdogan uu ku qasbay Bankiga Dhexe inuu dhimo heerka dul-saarka sanadkii tegay, taasi oo uu sheegay inay qeyb ka tahay “hab cusub oo dhaqaale”.

Related posts

(Sawirro) DF oo daahfurtay hanaan casri ah oo lagu bixinayo Baasaboorka Soomaaliga

Caydiid Ali

Magaalo lacag abaal-marin ah siineysa qofkii soo sheega xogta qof tuugsanaya !

Cabdi Cade

Mahdi Guuleed oo la kulmay Guddiga Baaraya Weerarkii Xabsiga Dhaxe (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---