Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Muxuu Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha ku soo arkay Baardheere? (Sawirro)

Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS U qaabilsan arimaha gurmadka oo ay wehliyaan Qaar kamid ah gudiga gurmadka abaaraha iyo hay’ada qadar charity ayaa gaaray degmada Baardheere ee gobolka gedo si ay ugu kuur galaan xaalada nololeed ee ka jirta barakacayaasha ku nool kaamamka degmadaan

Ergayga iyo wafdigiisa oo ay qayb ka ahayd hey’ada qadar charity ayaa Waxaa soo dhaweeyay maamulka degmada Baardheere iyagoona booqday qaar kamid ah kaamamka degmada

Dadka ku soo barakacay deegaankaan ayaa intooda ugu badan ka soo hayaamay deeganaada kale ee deriska la ah diinsoor.

Ku dhawaad 800,000 oo qof ayaa tan iyo billowgii sanadkii aynu soo dhaafnay ka barakacay guryahoodii, abaarta ka jirta Soomaaliya awgeed, sida ay sheegayaan hey’adaha gargaarka, iyadoo tirada dadkana laga cabsi qabo inay kororto. Taas oo ka dhigan abaartii ugu darnayd ee soo marta Soomaaliya 40-kii sano ee ugu dambeeyey.

Ergayga oo shalay dalka dib ugu soo laabtay shirka Jaamacada Carabta, ayaa wasiirada arrimaha debeda carabta ka codsaday gurmad degdeg ah.

Related posts

Daawo:-Guusha Deni & Axmed Madoobe ka gaareen Farmaajo oo meesha ka saartay heshiiskii Dhuusamareeb 3 & Qoor-qoor oo..

admin

Saciid Ciise: “Halista siyaasad ahaan ugu weyn ee ka taagan Laascaanood waxay tahay..”

Caydiid Ali

Madaxweyne Cagjar oo soo saaray amar lagu xoojinayo qoraalka afka Soomaaliga

Caydiid Ali
Taboola Ads ---