Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Baarlamaanka Puntland oo goordhaw diidey in ay ansixiyaan Golaha Maxkamadda Sare

Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta diiday in ay ansixiyaan oo codka kalsoonida siiyaan golaha Maxkamadda sare ee Puntland, uu dhawwaan Magacaabay Madaxweyne Siciid Deni.

Kulanka maanta lagu horgeeyay Baarlamaanka Puntland golaha Maxkamadda sare waxaa goobjoog ka ahaa 43-xildhibaan, waxaana diiday in ay ansixiyaan golaha Maxkamada sare 23-Xildhibaan, waxaa ogolaatay 11-Xildhibaan halka 9-xildhibaan ka aamuseen.

Guddoomiyaha golaha Wakiilada Puntland oo guddoominayay kulanka Xildhibaanada ayaa sheegay in xildhibaanada codka kalsoonida u diideen golaha Maxkamadda sare, waxa uuna Madaxweyne Deni ka codsaday in mar kale soo dhiso golaga Maxkamadda sare.

Madaxweyne Deni ninka uu u magacaabay guddoomiyaha Maxkamadda sare Axmed Taaraan ayaa horey u diiday in uu hortago golaha wakiiladda Puntland, isaga oo aaminsanaa in aysan codka kalsoonida siineyn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Rag Shabaabnimo lagu eedeeyay iyo Qaraxyo la qabtay oo lasoo bandhigay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Dhageysiga Dacwado ka dhan ah Masuuliyiin ay ku jiraan Koofi iyo Jurus oo socota

Cabdi Cade

Ciidanka Danab oo Al-Shabaab kala wareegay degmada Xagar oo ku dhow Bu’aale (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---