Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Madaxweynaha Jubbaland oo Dalacsiiyay Sargaalad Miski Maxamed Cali (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo maalmahan safar shaqo ku jooga degmada Dhoobleey ayaa maanta la kulmay saraakiisha ciidanka Amniga.

Kulanka ayaa waxaa Madaxweynaha ku weheliyey wasiirka Amniga Gen: Yuusuf Xuseen Cusmaan Dhuumaal, Guddoomiyaha maxkamadda sare Cabdishakur Sheikh Maxamed Rashiid, Xeer ilaaliyaha guud Maxamed Sheekh Cusmaan, Guddoomiyaha degmada Dhoobley Siyaad Muxumed Xassan, Taliyaha guutada 11-aad qaybta 43-aad ee ciidanka xoogga dalka iyo saraakiisha ciidanka Jubbaland ee ka howlgala degmada Dhoobley.

Madaxweynaha ayaa sarakiisha ka dhagaystay warbixinta xaalada amniga Degmada iyo deegaanada ku xeeran.

Ugu danbayntii Madaxweynaha ayaa darajada labo xidigle u dalacsiiyay sargaalad Miski Maxamed Cali oo katirsan Ciidamada booliska Degmada kadib shaqo wanaageeda iyo Sida hufan ee ay ugu adeegto bulshada.

Related posts

Xasan Sheekh oo soo bandhigay caqabado ku xeyran dadka iyo dowladda

Cabdi Cade

Raisul Wasaare caan ah oo $16 Milyan oo dollar siiyey gabar uu shukaansaday

Caydiid Ali

Xog Muhiim ah oo ku saabsan Sharciyada Shaqo ee Ajaaniibta Soomaaliya joogta

Cabdi Cade
Taboola Ads ---