Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dowlada Kenya oo Itoobiya ku wareejisay Muwaadiniin Shiinees ah oo Dil loo heesto

Ciidamada amaanka dalka Kenya ayaa gacanta ku dhigay afar nin oo u dhalatay dalka Shiinaha ,kuwaa oo loo heesto in ay dil ka geesteen magaalada Adis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya ay ku noolaayeen.

Ragan u dhashay dalka Shiinaha ayaa si dhuumaaleesi ah ku galay dalka Kenya, waxaana ragan gacanta ku dhigay ciidamada booliiska Kenya oo ku wareejiyay booliiska dalka Itoobiya, kaddib xiriir labada dhinac dhax maray.

Agaasimaha Interpol ee Itoobiya Tsegaye Haile ayaa warbaahinta u sheegay in loo soo gacan galiyay afar nin oo Shiinaha u dhashay oo dil ka geestay xarun ganacsi oo kutaalla Adis Ababa, waxa uuna xusay in ragan hadda ku socdaan baaritaano.

Muwaadiniintan Shiinaha u dhashay ee loo gacan galiyay Itoobiya ayaa magacyadooda lagu kala sheegay :Huang Zhipeng, Liv Jie, Wang Ming iyo Chao Fu Xiuzaon, waxaana xogta ragan la qabtay baahiyay booliiska Itoobiya ,taa oo horseeday in lasoo qabto.

Booliiska Dalalka Itoobiya iyo Kenya ayaa dhawwaan ku heshiiyay in ay yeeshaan iskaashi iyo wada shaqeyn dhaw, waxa ayna labada dhinac ku heshiiyeen in ay is dhaafsadaan dambiilayaasha labada dal u kala goosha.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Al Shabaab oo shaacisay cida ay la beegsadeen Qaraxii xalay ka dhacay Muqdisho

Cabdi Cade

Ciidamo lagu daadiyey Dhuusamareeb iyo DF oo amar cusub ku soo rogtay

Caydiid Ali

Dowladda Soomaaliya oo ka tacsiyadeesay dad badan ku dhintay Kaniisad

Cabdi Cade
Taboola Ads ---