Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta u baxaya safar dalka dibaddiisa ah

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa maanta lagu wadaa in ay u ambo baxaan dalka Turkiga, uu ka helay casuumad rasmi ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa marka uu gaaro dalka Turkiga in uu la kulmo madaxweynaha dalkaasi Rajeb Dayib Erdogan iyo madax kale ayna kawada hadlaan xoojinta xiriirka labada dal.

Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa la filayaa in heshiisyo cusub ay gaaraan, waxaana muddooyinkiin lasoo dhaafay meel hoose gaaray xiriirkii xooganaa ee u dhaxeeyay dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga.

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh maanta ugu ambo baxayo dalka Turkiga ayaa noqonaya kii labaad uu dalka uga baxo tan iyo markii dib loo doortay 15-kii bishii May, waxaana Madaxweynaha safar maalmo badan qaatay ku tagay dalka Imaaraadka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muuse Biixi oo Isbitaal ku booqday Askar ku dhaawacantay dagaalka Laascaanood (Sawirro)

Cabdi Cade

Anita Kiki Gbeho oo dal kale loo wareejiyey & Aadan Madoobe oo sagootiyey (Sawirro)

Caydiid Ali

Maqaamka iyo xuquuqda Muqdisho oo maanta laga tashaday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---