Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay Geerida ku timid Fanaanad Khadra Daahir Cige

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada, bahda fanka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee ay ka baxday hoboladdii caanka ahayd ee marxuumad Khadra Daahir Cige.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in marxuumadda ay kaalin weyn uga jirtay fanka Soomaaliyeed, iyada oo doorweyn ka qaadatay sare u qaadida fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed oo ay ka aheyd tiirarkiisa.

“Innaa lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi u dirayaa qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee ay ka baxday marxuumad Khadra Daahir Cige oo magac iyo miisaan ku dhex laheyd bahda fanka iyo Shacabka Soomaaliyeed.”

Madaxweynaha Jamhuuriyaddu waxa uu Alle u weydiiyey marxuumadda in uu hoygeeda ka yeelo Jannatul Firdowsa.

DHAMMAAD

Related posts

Mahdi Guuleed oo dowlad goboleedyada ka dalbaday fulinta heshiiskii doorashada

Caydiid Ali

Gunooyinka Golaha Wasiirada Somalia oo qeyb laga jaray iyo sababta ka dambeysa

Caydiid Ali

Ciidanka Jubbaland oo shaaciyey iney nolol ku qabteen C/llaahi Macalin Ibraahim (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---