Xildhibaanada golaha shacabka Baarlamanka Somalia ayaa galay fasax labo todobaad ah sababo la xiriira maalmaha Xajka iyo Ciidul-adxaa oo haatan fooda nagu heysaa sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Cabdixakiin Xaaji Buux oo ah Xoghayaha guud ee golaha shacabka.
Waxaa Xildhibaanadda laga codsaday in ay xaadir ku ahaadaan Golaha shacabka maalinta sabtida oo taariikhdu tahay 16 July 2022 si waajibaadkiisa dastuuriga ah Goluhu u guto.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA