Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Ciidanka Gorgor oo burburiyey fariisimo Al-Shabaab ku lahaayeen degaanada..

Ciidanka Kumaandooska Gor-gor ee XDS, ayaa sheegay iney howlgal qorsheysan ku burburiyeen fariisimo Al-Shabaab ku lahaayeen degaano hoostaga degmadda Aw-dheegle.

Howlgalkan ayaa waxaa hoggaaminayay Taliyaha guutada 17-aad ee Kumaandoska Gor-gor Gaashaanle Dhexe Dayax Cabdi Cabdulle.

Ciidanka Kumaadooska Gor-gor, ayaa waxa ay howlgalka ka sameeyay degaanada kala ah Shaam-gare,tawakal iyo nuucaanaay oo hoostaga dhammaantood degmadda Aw-dheegle ee gobolka Sh/hoose.

Taliyaha guutada 17-aad ee Kumaandoska Gor-gor Gaashaanle Dhexe Dayax Cabdi Cabdulle ayaa sheegay in howlgaladaas ay ku dileen xubno ka tirsan Al-Shabaab, ayna burburiyeen xarumo ay degaanadaas ku lahaayeen.

“Waan sii wadi doonnaa howlgalada aan ku baacsaneyno haraadiga kooxda argagaxisada ah ee Al-Shabaab ilaa aan ka baabi’ino dalka oo dhan” ayuu yiri Taliyaha guutada 17-aad ee Kumaandoska Gor-gor Gaashaanle Dhexe Dayax Cabdi Cabdulle.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo mas’uuliyada weerarkii shalay dusha u saaray madaxda dalka !!

admin

Musharax Wasiir Al Cadaala oo is dhiibay una sii hambalyeeyay Xildhibaankiisa (Sawirro)

Cabdi Cade

Dekadda Muqdisho oo Xiliyadda Habeenkii Shaqo bilowday iyo Sababta Keentay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---