Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dibad baxayaal careesan oo galay xarun Baarlamaan, Dabna qabadsiiyay

Dibad baxayaal careesan ayaa xoog ku galayd dhismaha xarunta Baarlamaanka dalka Libya ee kutaalla Magaalada Tobruk, waxa ayna dibad baxayaasha dab qabadsiiyeen dhismaha xaruntaasi ay ku shiraan Baarlamaanka.

Dadka banaan baxa dhigayay oo u badnaa dhallinyaro ayaa ka careesnaa xaalada siyaasadeed iyo is mari-waaga dalkooda ka taagan iyo sidoo kale sicir bararka iyo xaaladaha kale ee adag ee ka jira dalkooda.

Warbaahinta dalka Liibiya ayaa ku warantay in dibad baxayaasha careesan ay galeen kadibna dab qabadsiiyeen xarunta Baarlamaanka, waxa ayna warbaahinta sheegeen in xarunta aysan joogin xildhibaano xilliga la gubayay.

Muuqaalo laga soo qaaday xarunta Baarlamaanka Libya oo gubaneysa  ayaa sidoo kale la arkayay dhallinyaro careysan oo hor dhooban afaafka hore ee dhismahaasi, iyagoo markaasi taayaro gubaya.

Banaan baxayaasha ayaa ku baaqay in dalka ka dhacdo doorasho deg deg ah si wax looga qabto sicir bararka iyo dhibaatooyinka kale ee dhinaca nolosha ah ee xilligan ka jira gudaha dalka Libiya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidanka Israel oo dil argagax leh ka geystay woqoyiga Magaalada barakeysan ee Qudus

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo shaaciyay in aysan niyad jabineen Weerada Al Shabaab

Cabdi Cade

Duqa Muqdisho oo Beeniyay Warar Saacadihii lasoo dhaafay lagu baahiyay Warbaahinta

Cabdi Cade
Taboola Ads ---