Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Musharax Madaxweyne oo Ballanqaaday in Caasimadda Kenya u bedelayo magaallo Soomaaliyeed

Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha dalka Kenya ayaa wada olole xoogan ay ku raadsanayaan codadka iyo kalsoonida dadka Kenya, xilli la filayo in bisha Agoosto ee sannadkan dalkaasi ka dhacdo doorashada Madaxweynaha.

Soomaali ku dhaw hal milyan oo qof ayaa sannadkan la filayaa in codkooda dhiibaataan ayna wax ka doortaan Madaxweyne, waxaana musharaxiinta tartameysa ballanqaadyo u sameenayaan bulshada Soomaaliyeed ee Kenya degan si codadkooda u helaan.

Musharax Madaxweyne Prof George Wajackoyah, oo kamid ah musharaxiinta sannadkan u tartamaya xilka Madaxweynaha Kenya ayaa ballanqaadyo waa weyn u sameeyay Soomaalida Kenya haddii uu doorashada ku guuleesto.

Waxa uu sheegay musharaxan in bulshada Soomaaliyeed ee Kenya u dhalatay la kulmaan dhibaatooyin badan aysan qabin bulshooyinka kale ee Kenya, waxa uuna ballanqaaday in wax badan ka qaban doono dhibka sida gaarka ah loogu hayo Soomaalida.

“Labo jeer ayaa la ciqaabaa Soomaalida, midda koowaas waa in ay Soomaali yihiin darteed, tan labaadna waa in mar walba oo ay sharciga aqoonsiga raadsanayaan ay ku khasban yihiin inay afar wax ka badan afar jibaar dadka kale ee reer Kenya caddeeyaan inay u dhasheen Kenya, haddii la i doorto aniga arrintaas way dhammaan doontaa,” ayuu yiri Musharax George Wajackoyah.

Musharaxa ayaa sidoo kale sheegay in Soomaalida kunool Kenya uu siin doono abaalmarin qaali ah, uuna caasimadda Kenya ka rari doono Nairobi una bedeli doono magaalada Soomaalida ku badan tahay ee Isiolo.

“Waxaana u xaqiijin karaa bulshada Soomaalida inaysan meelna u soconin oo ay waddankan kusii noolaan doonaan, waxaana idinku abaalmarin doonnaa inaan caasimadda waddankeenna ka baddalno halkan kana dhigno magaalada Isiolo,” ayuu yiri  Wajackoyah .

Musharaxiinta kale ee ugu cadcad xilka Madaxweynaha Kenya ee Raila Odinga iyo William Ruto ayaa dhankooda sidoo kale codad ka raadinaya bulshada Soomaaliyeed, waxa ayna ballanqaadeen in waxyaabo badan u qaban doonaan Soomaalida Kenya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Askar Mareykan ah oo lagu dilay Qarax iyo Masuuliyada weerarkaasi oo la sheegtay

Cabdi Cade

Dhaqaale aan caadi aheyn oo loogu deeqay macluusha ka taagan wadanka Yemen

Caydiid Ali

Ciidamo huwan ah oo howlgal ka sameeyay Deegaano ku dhaw dhaw Jamaame (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---