Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe iyo Wafdiga la socda ayaa lagu qanciyay in ay qeyb ka noqdaan Shirka Arimaha Soomaaliya looga hadlayo ee maanta ka furmay magaalada Brussels.
Axmed Madoobe iyo Wafdiga Jubbaland ayaa ka biyo diiday in ay ka qeyb galaan furitaanka Shirka, hasa ahaatee dadaalo ay sameeyeen xubno katirsan Midowga Yurub iyo Madaxda Soomaalida ayaa ku qanciyay wafdiga Jubbaland in shirka ka qeyb galaan.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa markii dambe aqbalay in ay shirka ka qeyb galaan doorkoodana ka qaataan, waxaana la arkayay wafdiga Jubbaland oo si caadi ah shirka uga qeyb galaya.
Axmed Madoobe ayaa khudbad ka jeediyay shirka ka furmay Caasimada dalka Biljamka, waxa uuna kaga hadlay arimo badan oo ku saabsan xaalada Soomaaliya iyo fashilka shirar horey u dhacay oo waxii kasoo baxay aan la hirgalin.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa weerar dadban ku qaaday dowlada Federaalka Soomaaliya iyo AMISOM uu sheegay in aysan diyaar u aheyn in kooxda Al Shabaab dagaal lala galo si looga adkaado dalkana looga saaro.’
Waxa uu sidoo kale ku eedeeyay Axmed Madoobe dowlada Federaalka Soomaaliya in aysan hirgalin heshiisyo iyo qodobo kasoo baxay shirra horey looga hadlay arimaha Soomaaliya oo ka dhacay dalka dibadiisa iyo gudihiisa.
Shirka maanta ka furmay magaalada Brusless ayaa looga hadlayaa arrimaha siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo qodobo kale oo ka hadlaya horumarinta iyo mustaqbalka Soomaaliya.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com