Allbanaadir.com
NEWS

Guudlaawe oo ku laabtay Jowhar iyo Wasiirro cusub oo la magacaabayo (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta dib ugu soo laabtay Caasimada Jowhar kadib safar shaqo oo uu ku joogay Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha ee Maxamed Dheere kusoo dhoweeyay Kusimaha Gudoomiyaha Baarlamaanka ahna Gudoomiye Ku Xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Dowladda Hirshabeelle, labada gole ee Dowladda, Maamulka Gobolka, iyo kan degmada, Saraakiisha amniga iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Cali Guudlaawe ayaa la filayaa in uu guda galo wadatashiyo uu kusoo dhisayo gole wasiirro cusub, waxaana lagu wadaa in maalmaha soo socda Madaxweynaha ku dhawaaqo gole wasiiro cusub.

Related posts

Maraykanka oo beeniyey warar laga faafiyey Ciidamada ka jooga Somalia

Caydiid Ali

Maxkamadda Ciidamada oo Xukunadii ugu badnaa ee dil toogasho ah fulineysa labo bil …

Cabdi Cade

Muhaajiriin Afduubatay Markab Biyaha dalka Liibiya kasoo bad baadiyay !!!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---