Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ubax Dhigay Taalada Daljirka Dahsoon ( Daawo Sawirada)

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xusaya sannad-guurada 62-aad ee xornimada iyo midnimada dalka, ayaa ubax dhigey taalada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha oo ay wehliyeen Madaxda goleyaasha dowladda, ayaa ubax-dhigga kaddib waxa uu ugu hambalyeeyey shacabka Soomaaliyeed maalinta midnimada iyo xornimada, isagoo ugu baaqay in ay ilaashadaan qarannimadooda, xoojiyaanna midnmadooda bulsho.

“Waxaan mar kale hambalyo ku aaddan munaasabadda 1-da Luulyo u diraya dhammaan shacabka Soomaaliyeed, meel kasta oo ay joogaan. Waxaa xaqiiq ah, in si aan horey ugu dhaqaaqno ay muhiim tahay in aan gacmaha is qabsano oo qabano shaqo qaran oo adag, taas oo horseedi doonta in aan dalkeenna horumarinno, dunidana wax la qeybsanno”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku ammaanay Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee daafaha caalamka sida ay u xuseen maalmaha xoriyadda iyo midnimada dalkeenna, waxa uuna kula dardaarmay in ay xoojiyaan doorkooda ku aaddan dowlad dhiska dalka iyo gurmadka dadkeenna la tacaalaya xaaladaha binu-aadantinimo ee ka dhashay abaaraha ka jira qeybo ka mid ah dalka.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn shacabka Soomaaliyeed ugu duceeyay in fadliga maalmahan barakaysan awgeed uu Alle kaga dulqaado wax kasta oo dhib ku ah, sannadkan kiisa kalena ay ku gaaraan caafimaad, horumar, nabad iyo barwaaqo.

Related posts

Gabar 14-sano jir ah oo Maxkamad ka furtay Nin Aabaheed si qasab ah ugu daray !!

Cabdi Cade

Qarax Ismiidaamin ah oo goordhaw lagu weeraray Maqaayad kutaala Muqdisho

Cabdi Cade

Amarka Duqa Muqdisho oo lagu bur buriyay dhismayaal kuyaala Muqdisho (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---