Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Sawirada :Safaaradii Eritrea ku laheyd Itoobiya oo Muuqaalkeeda uu doorsoomay

Xiriirka Dowladaha Itoobiya iyo Eritrea ayaa hada u muuqda mid dib usoo laabanaya 20-sano kadib, waxaana dalka Itoobiya booqasho ku jooga Madaxweynaha dalka Erirtea Isaias Afeworke iyo Wafdi uu hogaaminayo.

Safaaradaha labada wadan ayaa xirnaa 20-kii sano ee lasoo dhaafay kadib markii ay dagaalameen, waxaana xarumaha Safaaradaha labada dal ay noqdeen kuwa aan lagu shaqeyn oo iska xirnaa.

Xarunta Safaarada Eritrea ee ku leedahay magaalada Adis Ababa ayaa muuqaalkeedu doorsoomay, waxaana xarunta Safaarada ay noqotay mid daxaleesatay oo caaro ku dhagan albaabaha xaruntaasi.

Safaarada Eritria ee Adis Ababa waxaa wali dhax yaala alaabtii jiifka iyo fadhiga ee safiirkii Erirtea kuwaa oo is bedelay, waxaana duugoobay baabuurtii ay laheyd safaarada oo wali xaruntaasi dhaxyaala.

Waxaa xaruntii Safaarada Eritrea ee Adis Ababa booqday Ra’isul Wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha Eritrea, waxaaba calanka Eretria gudaha safaarada ka taagay Madaxweyne Isaias Afeworke.

Labada dal ayaa qorsheenaya in dib loo furo safaaradahooda si loo soo celyo xiriirka Diblumaasiyadeed , waxaana labada Hogaamiye ee Itoobiya Eretria gaareen heshiisyo labada dhinacba muhiim u ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
 

Related posts

Keyse Mayoow oo sheegay in Fatahaada Wabiyada keeneen midnimo iyo is Jaceyl

Cabdi Cade

Daawo Sawirada : Miinooyin Al Shabaab ku aaseen Wadooyin oo lasoo saaray

Cabdi Cade

Dowlada Somalia oo basas lacag la’aan u diyaarisay dadka ay saameysay xirnaanshaha jidadka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---