Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Akhriso) Madaxweynihii hore ee dalka Farmaajo oo fariin u diray shacabka Soomaaliyeed

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed u diray fariin ku aadan munaasabada 1-da luulyo.

Farmaajo oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa facebook ayaa hadalkiisa ku bilaabay sidatan:-

Waxaan shacabka Soomaaliyeed la qayb sanayaa farxadda dabbaal-degga munaasabadda 62 guurada ka soo wareegtay maalintii Gobollada Koonfureed ee dalkeennu ay xorriyadda ka qaateen Talyaaniga, isla markaana ay Woqooyi iyo Koonfur midoobeen.

Xuska iyo weynaynta munaasabadaha xorriyaddu waxay dib inoo xusuusinayaan waddaniyaddii, Soomaali jacaylkii iyo sooyaalka halgameyaashii iyo dhaqdhaqaaqyadii gobannimo doonka, kuwaas oo dhammaantood halgan adag u soo galay soo dhicinta gobannimadeenna, waana in aynu sooyaalkooda ka qaadannaa cashar aynu ku dabbaqno nolosheenna maanta, innaga oo xoojinayna dal jacaylka, walaaltinimada iyo midnimada dhexdeenna ah.

DHAMMAAD..

Related posts

Gudoomiye Dileyta oo khudbad ka jeediyey Golaha Shacabka

Caydiid Ali

Wasiirka amniga oo war cusub ka soo saaray amarkii ciidanka NISA ee garoonka Aadan cadde

Caydiid Ali

Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed oo laga dalbaday Liiska Musharaxiinta Aqalka Sare

Cabdi Cade
Taboola Ads ---