Allbanaadir.com
NEWS

Axmed Madoobe iyo Wafdiga la socda oo diiday in galaan Hoolka uu ka furmay Shirka Brussels

Magaalada Brussels ee caasimada dalka Biljamka waxaa ka furmay shir looga hadlayo arimaha Soomaaliya ay ka qeyb galayaan Madaxweynaha Dowlada Federaalka iyo Madaxda maamul goboleedyada dalka.

Shirkan goordhaw si wadajir ah u fureen Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxa Arrimaha Dibadda Midowga Yurub ayaa looga hadlayaa arrimaha siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo qodobo kale oo ka hadlaya horumarinta iyo mustaqbalka Soomaaliya.

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in furitaanka shirkan aysan ka qeyb galin Wafdiga maamulka Jubbaland uu Hogaaminayo Madaxweyne Axmed Madoobe , waxa ayna Jubbaland ka cabatay wax ka bedel lagu sameeyay ajandaha shirka.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Wafdiga la socda ayaa banaanka ka jooga hoolka Shirka, waxaana socda dadaalo lagu doonayo in lagu xaliyo tabashada maamulka Jubbaland si ay shirka qeyb uga noqdaan.

Xiriirka Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland ayaa sii xumaanaya, waxaana dhawaan magaalada Kismaayo loo diiday in uu galo Sargaal dowlada Soomaaliya u magacabay in uu hogaaminayo ciidanka Milatariga ee ku sugan Deegaanada Jubbaland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
 

Related posts

Musharaxiin uu ku jiro Fahad Yaasiin oo qaatay shahaadada diiwaan-gelinta (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Deni iyo Jimcaale Takar oo kulmay kuna heshiiyay guriga Faroole

Cabdi Cade

Dalalka ka qeyb qaadanaya wejiga labaad ee dagaalka Al-shabaab oo la shaaciyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---