Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidamada Mareykanka oo tababar u xiray Saraakiil ka tirsan Ciidanka Danab (Sawirro)

Waxaa Tababar  loo  soo xiray maanta Saraakiil & Saraakiil Xigeeno ka kala Socday, Fadhiyada kala duwan ee ay ka koobantay Guutada 16-aad ee kumaandooka Danab oo ka tirsan ciidanka XDS.

Munaasabada xeritaanka tababarka waxaa ka Soo  qeyb galay ku-xigeenka Madaxa Hogaanka Tababarka & Wacyigalinta Ciidanka XDS Gaashaanle sare Cabullaahi Yusuf Cabdule & Saraakiil ka socday dowlada Maraykanka.

Taliyaha ayaa Saraakiishan & Saraakiil Xigeenadan Tababarka Dhameystay kula dardaaramay in Wixii ay halkan ku barteen ay bulshadooda ugu adeegan Lagana Dareemo Shaqadooda.

“Ciidanka Kumaandoska Danab ee XDS Waa awooda Sida tooska uga hortagta Dhagaraha cadowga waxaana ay ku beegsadaan fariisimahooda Argagixisada Balse taas waxaa dhinac socda tayeynta & kor u qaadida Aqoonta Ciidanka Kumandooska Danab XDS” ayuu yiri taliyaha.

Related posts

Abiy Axmed oo magacaabay Taliyaal ciidan iyo Madaxweynihii Amxaarada oo is casilay

admin

Daroogo lagu qiimeeyey “$14 Milyan” oo lagu qabtay garoonka Addis ababa (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo amar cusub faray Wasiirada Xukuumada Khayre (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---