Allbanaadir.com
NEWS

Shaqo Joojin lagu sameeyay Kuxigeenada Agaasimaha Nabad Sugida Somalia (Akhriso Cadeyn)

Agaasimaha Guud ee Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Xuseen Cismaan Xuseen ayaa shaqo joojin ku sameeyay labadiisa kuxigeen kadib khilaaf la sheegay in uu soo kala dhax galay.

Qoraal maanta oo Isniin ah kasoo baxay Xafiiska Agaasimaha Hay’ada Nabad Sugida ayaa lagu cadeeyay in shaqada laga jeejiyay kuxigeenadiisa kala ah, Sareeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed iyo Col. C/qaadir Maxamed Nuur oo loo yaqaano Jaamac.

Sababta keentay Shaqo ka joojinta lagu sameeyay kuxigeenada Agaasimaha Hay’ada Nabad sugida ayaa lagu cadeyn qoraalka, waxaana warar soo baxaya sheegaya in mudooyinkii dambe aysan Agaasimaha iyo kuxigeenadiisa ka dhaxeyn wada shaqeyn fiican.

Halkan ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Agaasimaha Hay’ada NISA.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sargaal katirsan Al Shabaab iyo Saanad uu waday oo gacanta u galay ciidanka Dowladda

Cabdi Cade

Ciidamo Gadoodsan oo saakay la wareegay Bangi kuyaala magaalada Boosaaso

Cabdi Cade

Nin Dilay arday Muslimiin ah oo lagu riday xukun adag (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---