Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Siciid Deni oo Guddoomiyay shirka golaha Wasiirada oo arrimo muhiim ah looga hadlay (Sawirro)

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada oo ka dhacay xarunta Madaxtooyada ee Garawe.

Shirka golaha wasiirada ayaa todobaadkan looga hadlay arrio kala duwan ay kamid ahaayeen Amniga, Dib-u-eegista mashruuca JPLG ee degmooyinka iyo hirgelinta hanaanka qiimaynta iyo dabagalka ee (PEMIS).

Qaar kamid ah wasiirada maamulka Puntland oo shirka fadhiyay ayaa warbixin ka siiyay Madaxweynaha xaalada guud ee amniga iyo sidoo kale dib-u- eegista mashruuca JPLG iyo arrimo kale.

Shirka oo uu Madaxweynaha ku wehelinayay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa sidoo kale looga hadlay xaaladda abaarta iyo xaaladaha dadka nugul ( caruurta, haweenka iyo naafada).

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sanbaloolshe oo ku sugan Itoobiya iyo Warar kala duwan oo kasoo baxaya Socdaalkiisa

Cabdi Cade

Dagaal culus oo dhax maray Ciidamo Itoobiyaan ah iyo maleeshiyada Macawiisley

Cabdi Cade

Ciidamada AMISOM oo gaadiidkooda jiirsiiyey askari Soomaali ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---