Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Madaxweynaha Ruushka oo Hanjabaad adag u diray labo dal oo katirsan Yurub

Madaxweynaha dowladda Ruushka, Vladimir Putin, ayaa si adag uga hor yimid go’aanka waddamada Sweden iyo Finland ugu biiraayaan ururka Gaashaanbuurta NATO, waxa uuna dalalkaasi u diray fariin adag oo hanjabaad ah.

Putin ayaa sheegay in Ruushku uu jawaab celin ka bixin doono ciidan kasta oo dheeraad ah oo la geeyo dalalka Sweden iyo Finland, kuwaas oo ku guda jira geeedii socodka ka mid noqoshada isbahaysiga NATO.

Madaxweynaha Ruushka ayaa ku eedeeyay uurka Gaashaanbuurta NATO in ay u dhaqmayaan ayna leeyihiin hammi boqortooyo oo kale, waxa uuna ka digay ballanqaadka xulufada reer Galbeed ee ku aadan in taageero lixaad leh siinayaan Ukraine.

Dowladaha Sweden iyo Finland ayaa loo ogolaaday in ay xubin ka noqdaan gaashaanbuurta NATO, waxa uuna Ruushka tallaabadaasi u arkaa mid halis gelin karta ammaanka dalkiisa, waxa uuna ku goodiyay in tallaabo ka qaadi doonaan dalalkaasi hadda NATO ku biiray.

Duullaanka Ruushhka ku qaaday dalka Ukraine ayaa ka dhashay hamiga Ukraine ku dooneysay in ay uga mid noqoto gaashaanbuurta NATO, lamana oga tallaabooyinka Ruushka ka qaadi doono dalalka Sweden iyo Finland oo NATO ku biiraya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo: Dagaal warbaahinta ku dhexmaraya Xildh. Xiddig & Jeesow oo meel halis ah gaaray

Caydiid Ali

Somalia iyo Turkiga oo heshiis cusub kala saxiixday (Sawirro)

Caydiid Ali

Iska Caabinta Faragelinta Kenya ee Arimaha Gudaha Soomaaliya Maxaa Xigi Doona ?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---