Magaalada Muqdisho ayaa xiligan ku jirta xaalad ka duwan sidii ay horey u ahaan jirtay , waxaana inta badan xiran wadooyinka Muhiimka ah ee magaalada oo loo diiday isku socodka gaadiidka kala duwan.
Wadooyinka Muqdisho ayaa lagu jaray dhagxaan halka kuwa furana la dhigay ciidamo katirsan dowlada oo dadka u diidaya in ay ku maraan gaadiid ama mooto bajaajta, waxa ayna taasi keentay in isku socodka magaalada yaraado.
Dhalinyaro badan oo qorsheestay in maalmihii lasoo dhaafay iyo maalmaha soo socda aroosyo ku dhigtaan Muqdisho ayaa go’aankiidii wax ka bedelay, waxaana aroosyadaasi qaarkood ku yimid dib u dhac .
Aroosyada dib u dhaca ku yimid ayaa dhalinyarada is guursan laheyd yihiin kuwa ku kala nool labada dhinac ee hada Muqdisho u qeybsantay, waxaana adag in labada dhinac ee magaalada gaadiid isaga kala gooshaan.
Mid kamid ah Dhalinyarada arooskiisu dib u dhaca ku yimid ayaa sheegay in uu kunool yahay Degmada Hodan gaar ahaan Xaafada Albaraka halka gabadha uu guursan lahaa kunooshay degmada Waabari, waxa uuna xusay in ay ku adkaatay in arooskiisu caadi u qabsoomo sababo la xariira wadooyinka xiran.
”Aniga hada dib ayaa isaga dhigay arooskaygu uu qorshuhu ahaa in uu dhaco khamiista, suurto gal maahan anaga oo lugeeneyna ama bajaaj wadano aan cida gabadha ka rabno gurigeeda tagto, hadana sidee loo soo galbinayaa arooska hadiiba aan gaadiidka aysan socon karin, waxaan go’aansaday in dib isaga dhigo arooska inta faraj kale ka furmayo” Ayuu yiri Wiilkan saameynta ku yeesheen arooskiisa wadooyinka xiran.
Maalmihii lasoo dhaafay ayaa Muqdisho qeybo kamid ah lagu arkayay dhalinyaro meherka arooskooda iyaga oo lugeenaya tagayay guriga gabadha aroosada, halka gabadha kaligeed galabkii gurigooda looga soo qaadayay bajaaj gedida kale ee magaaladana laga saarayay gaari.
Wadooyinka xiran ee magaalada Muqdisho ayaa saameyn badan ku yeelatay dadka shacabka, waxaana dowlada Soomaaliya sheegtay in xirnaashaha wadooyinka amaanka lagu xaqiijinayo loogana hortagayo qaraxyada.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com