Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Soomaaliya oo loogu baaqay in Wadahadal Nabadeed la furto Ururka Al Shabaab

Wasiirkii hore ee Amniga Soomaaliya Xildhibaan C/risaaq Cumar Maxamed ayaa ugu baaqay Madaxda dowlada Federaalka in wadahadalo nabadeed la furaan Ururka Al Shabaab si xal looga gaaro colaada dalka ka jirta.

Waxa uu sheegay Wasiirkii hore ee Amniga Gudaha in aan dagaal looga adkaan karin Kooxda Al Shabaab, waxa uuna tilmaamay in xalka kaliya ee dagaalka lagu soo afjari karo ay tahay in wadahadalo lala furo Al Shabaab.

Xildhibaan C/risaaq Cumar ayaa sheegay sanadkii ugu dambeeyay uu ahaa Wasiirka Amniga in ay bilaabeen wadahadalo ay la galaan Al Shabaab, waxa uuna cadeeyay in xalka uu ku jiro in wadahadal lagu dhameeyo dagaalka ay wadaan Al Shabaab.

” Kooxaha argagixisada keliya laguma jebin karo awood Millatari, balse waxaa muhiim ah in lala galo wada hadal, waxaan ku boorinayaa dowlada hada jira in wadahadal la gasho Al Shabaab ” Auu yiri Wasiirkii hore ee Amniga.

Al Shabaab ayaa sanado badan dagaal dhiig badan ku daatay kula jirtay dowlada Federaalka Soomaaliya, waxa ayna Shabaab marar badan ka biyo diideen in wadahadalo nabadeed la galaan Dowlada Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
 

Related posts

Ciidamo Milateri ah oo la dhigay wadada xiriirisa degmooyinka Balcad & Jowhar

Caydiid Ali

Safiirro magacaaban oo kulan dardaaran ah lagula qaatay Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade

Tirada dadkii ku dhintay qaraxii saaka ka dhacay Muqdisho oo sii kordheysa (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---