Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Hanti-dhowrka Guud & Ergayga gaarka ah oo la kulmay Madax ka tirsan Bankiga Dunida

Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka Mudane Maxamed Max’uud Cali iyo Ergeyga Gaarka ah ee Arrimaha Abaaraha Mudane Cabdiraxman Cabdishakur Warsame ayaa maanta kulan la yeeshay Isu-duweyaasha Mashaariicda muhiimka ah ee Bangiga Adduunku uu maalgaliyo.

Kulanka oo diiradda lagu saarayay arrimaha gurmadka abaaraha iyo xoojintooda ayaa waxaa warbixinno qotodheer looga dhagaystay Isu-duweyaasha qaar ka mid ah mashaariicda muhiimka ah ee qaybta ka noqon doona dadaallada looga jawaabayo abaaraha ku dhuftay qaybo ka mid ah dalka.

Dhinaca kale, Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Hoggaanka Guddiga Gurmadka Abaaraha, ayaa shaaciyay akoonnada rasmiga ah ee looga qeyb qaadanayo Gurmadka Abaaraha.

Ergaya iyo Guddiga ayaa bulshada Soomaaliyeed la wadaagay warbixin ku saabsan halka ay marayaan xaaladdaha abaarta ka jirta dalka, taasoo ah middii ugu darneyn ee waddanka ka dhacda ku dhawaad muddo afartan sano ah.

Ergeyga oo Madaxweynaha JFS ka wakiil ah iyo Hoggaanka Guddiga Gurmadka Abaaraha ayaa sheegay in la joogo xilligii aan si kala har lahayn shacab iyo madax looga qeyb qaadan lahaa gurmadka abaaraha.

Related posts

Jahwareerka Musharaxiinta Jubbaland & 10 shuruud oo lagu xiray ka qeyb galka doorashada

admin

70 qof lagu xirxiray Muqdisho & Taliska Booliska oo faahfaahin ka bixiyey

Caydiid Ali

Dugsida Al-Huda Islamic oo Bushaaro muhiim ah u haya Qurbo joogta Soomaaliyeed

Cabdi Cade
Taboola Ads ---