Sida ay booliisku sheegeen, Qaraxyo ayaa ka dhacay afar goobood oo ku yaalla magaalada Bahir Dar ee waqooyiga dalka Itoobiya.
Afhayeenka Booliiska ayaa sheegay in qaraxyada lala beegsaday goobo istaraatiiji ah oo ku yaalla gudaha magaalada xarunta u ah gobolka, isla markaana loola dan lahaa in lagu ‘argagixiyo shacabka’.
Lama sheegin inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay qaraxyadaas balse afhayeenka ayaa xaqiijiyey in lix qof oo looga shakisan yahay inay falkaasi ka dambeyeen la soo xiray.
Dhacdadan ayaa muujinaysa in ammaanka gobolka Axmaarada oo ah gobolka labaad ee ugu weyn dalka Itoobiya uu sii xumaanayo.