Allbanaadir.com
NEWS

(Sawirro) Muxuu Axmed Madoobe ku soo arkay xaafadaha degmada Dhoobley?

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta kormeeray xaafadda Danwadaagta ee Degmada Dhoobley halkaas oo ay ku nool yihiin dad barakacayaal ah.

Kormeerka Madaxweynaha ayaa ujeedkiisu ahaa u kuurgelidda xaaladda ay ku nool yihiin dadka barakacayaasha ah, wuxuuna qorshuhu yahay in hay’adaha samafalka iyo cid kasta oo ay khusayso loo gudbiyo xaaladda dadkaan si looga jawaabo baahiyahooda.

Dadka ku nool xaafadda Danwadaagta ayaa isugu jira dadkii kasoo laabtay xeryaha qaxootiga Dhadhaab iyo dad kale oo ku barakacay gudaha sida dadka ay saamaysay abaarta.

Dadkii ugu dambeeyey ee deegaanka soo gaaray ayaa kasoo barakacay tuulooyin iyo deegaanno ka tirsan gobolada Jubbada Dhexe iyo Gedo.

 

 

Related posts

(Sawirro) Dowlada Jarmalka oo wafdi culus u soo dirtay Somalia iyo Wasiir Fiqi oo..

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo: Saaxiibkeyow mar i maqal oo qaado taladeyda !!.

Cabdi Cade

Khasaaraha Maaliyadeed ee ay geysteen roobabkii shalay ka da’ay Muqdisho oo la shaaciyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---