Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Midowg Afrika oo baaq kasoo saaray xiisada dagaal ee u dhaxeesa Itoobiya iyo Sudan

Ciidamada milatariga Dowladaha Sudan iyo Itoobiya ayaa ku dagaalamay deegaano dhaca xadka labadaasi dal oo lagu muran sanyahay, waxaana laga cabsi qabaa in dagaal xooggan laba dal dhax maro haddii aan xal diblumaasiyadeed la gaarin.

Madaxa guddiga Midowga Afrika ,Moussa Faki Mahamat ayaa bayaan uu soo saaray ugu baaqay madaxda labada dal in ay is xakameeyaan , waxa uuna sheegay in wadahadal wax walbo lagu xallin karo badalkii dagaal la gali lahaa.

Bayaanka uu soo saaray Moussa Faki Mahamat ayuu mar kale ugu baaqay madaxda dalalka Sudan in Itoobiya in wax walbo oo jira waddo nabadeed u maraan lagana baaqsado dagaal dhiig ku daato.

Ciidamada Itoobiya iyo Sudan ayaa ku dagaalamay deegaano kuyaalla dhulka lagu muran sanyahay ee Al-Fashaga, dagaalka ayaana yimid kaddib markii todobo askari oo u dhalatay Sudan iyo qof shacab ah fagaare ku toogteen ciidamada Itoobiya.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Macluumaad xiiso leh oo ku saabsan qaabkii loo aasaasay Ciidanka Xoogga dalka

Caydiid Ali

Dowlada Maraykanka oo cuno-qabateyn cusub ku soo rogtay Ruushka (Sababta)

Caydiid Ali

Rag hubeysan oo laayey ku dhowaad 50 qof oo safar ah (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---