Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wararkii ugu dambeeyey dagaal ka dhex qarxay ciidamada Sudan iyo kuwa Itoobiya

Dagaal ayaa la soo sheegayaa inuu ka dhex qarxay ciidamada labada dowladood ee Sudan iyo Itoobiya xili ay maalmahan taagneyd xiisad labada dal u dhexeysay.

Ciidamada Sudan ayaa weerar ku qaaday cutubyo ka tirsan ciidamada Itoobiya ee ku sugan gobolka lagu muransan yahay ee Al Fashaga ka dib markii lagu eedeeyay in ay dileen 7 askari.

Xukuumadda Sudan ayaa goor sii horraysay u yeeratay safiirkeedii u fadhiyey Addis Ababa, iyadoo ka careysan falka ay ku dhaqaaqeen ciidamada Itoobiya.

War saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda arimaha dibada Itoobiya ayaa lagu beeniyey sheegashada milatariga Sudan waxayna Wasaaraddu sheegtay inay askarta Sudan ee la dilay ku dhinteen shaqaaqo dhexmartay askar Sudan ah iyo maleeshiyaad Itoobiyaan ah ayna ka xuntahay dhacdadaas

 

Related posts

Qaramada Midoobay oo ugu baaqday Madaxda Maamul goboleedyada in ay la shaqeeyaan DF

Cabdi Cade

Madaxweyne Laftagareen oo xariga ka jaray xarun cusub oo casri ah (Sawirro)

Caydiid Ali

Dad shacab ah oo lagu laayey wadada isku xirta Muqdisho iyo degmada Balcad

Caydiid Ali
Taboola Ads ---