Allbanaadir.com
NEWS

Musharaxiinta Puntland ee booqanaya degaanka Tukaraq oo amar culus lagu soo rogay

Taliyaha Guud ee Ciidamada Dowlad goboleedka Puntland ayaa soo saaray Go’aan ka dhan ah Musharixiinta Madaxweynaha Puntland ee Sanada 2019 ee tegaya Furumaha dagaalka ee deegaanka Tukaraq.

Jen. Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere) ayaa sheegay in marnaba musharixiinta aan loo ogoleyn inay ciidamada Sawiro la galaan markii ay tagaan furumaha dagaalka balse laga doonayo in wixii ay u qabanayaan ciidamada si hoose ay ugu wareejiyaan.

“Musharxiinta way booqan karaan furumaha dagaalka, wax allaale iyo wixii ay doonaan way geyn karaan balse waa mamnuuc in la’isku-sawiro, iyadoo lacago iyo waxyaabo kale loogu deeqayo ciidamada” ayuu yiri taliyaha.

Degaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ayaa waxaa weli isku-horfadhiya ciidamada Puntland iyo kuwa Somailand oo halkaas dhowr jeer ku dagaalamay.

Maalin ka hor ayaa waxaa degaanka Tukaraq gaarey mid ka mid ah musharixiinta Madaxweynaha Puntland, oo shidaal uu ciidamada ugu deeqayey iskula sawiray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
 

https://youtu.be/fH8PV1tg7b0

  

Related posts

Madaxweyne Qoor Qoor oo xaalku ku xun yahay iyo kulamo Xasaasi ah oo socda

Cabdi Cade

Malaaq Xasan Gaalle Xuseen oo geeriyooday iyo Madaxweyne ka hadlay geeridiida

Cabdi Cade

Kalsooni intee le’eg ayey shacabku ku qabaan Madaxda dalka & kuwa dowlad goboleedyada?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---