Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Xiisada u dhaxeysa Waddamada Sudan iyo Itoobiya oo meel xun gaartay iyo Dagaal…

Waxaa sii kordheysa cabsida laga qabo dagaal dhax mara ciidamada miltariga Sudan iyo kan Itoobiya , waxaana war kasoo baxay milatariga Sudan ku shaaciyeen in ay qaadayaan tallaabooyin degdeg ah.

Dowladda Sudan ayaa ku eedeesay ciidamada Itoobiya in ay dileen todobo askari oo katirsanaa milatariga Sudan iyo qof shacab ah, waxa ayna Sudan dilkaasi ku tilmaantay mid gardaro iyo xadgudub cad ahaa.

War kasoo baxay milatariga Sudan ayaa lagu sheegay in ay qaadi doonaan tallaabada ku haboon oo ay uga falcelinayaan dilka loo geestay askartooda ku sugnaa xadka ay wadaagaan Sudan iyo Itoobiya.

Xukuumada Khartuum ayaana si degdeg ah ugu yeertay safiirkeeda u fadhiyay magaalada Adis Ababa, waxaana sii xumaanaya xiriirka diblumaasiyadeed ee ka dhaxeeya dowladaha Itoobiya iyo Sudan.

Dhinaca kale war kasoo baxay wasaaradda arimaha dibadda Itoobiya ayaa lagu beeniyey sheegashada milatariga Sudan, waxa ayna wasaaraddu sheegtay in ay askartaasi ku dhinteen shaqaaqo dhex martay askar Sudan ah iyo maleeshiyaad Itoobiyaan ah.

Xadka u dhaxeeya  Sudan iyo Itoobiya ayaa marar badan waxaa ka dhacay isku dhacyo u dhaxeeya ciidamada labada dal iyo maleeshiyaad, waxaana hadda laga cabsi qabaa in labada ciidan dagaal toos ah dhax maro.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xassan Shiikh iyo dhigiisa Turkiga oo ka wadahadlay qodobo xasaasi ah (Daawo)

Caydiid Ali

Madaxweyne Putin oo ammar siiyay ciidamada Ruushka ee ku sugan xadka Ukrine

Cabdi Cade

Ruushka oo xaalad oo adag oo dhinaca Nolosha ah galinaya dadka ku haray magaalada Kyiv

Cabdi Cade
Taboola Ads ---