Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xildhibaanada labada aqal oo beri yeelanaya kulan looga hadlayo qodob xasaasi ah

Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamanka Somalia ayaa maalinta Berri ah yeelanaya mid kam id ah kulamadoodii caadiga ahaa.

Kulankan ayey kaga doodi doonaan Akhrinta 2aad ee Miisaaniyadda 2022 ee dowlada Soomaaliya.

Miisaaniyadda sanadkan oo oo ah tii ugu badneyd ayaa gaareysa ku dhowaad hal Bilyan oo Dollar, waxaana horey u soo ansixiyey golihii wasiirada ee xukuumadd Soomaaliya ee uu xiligeeda dhamaaday.

“Berri oo Talaada ah 28 June waxaa jira kulanka Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Ajendaha kulanka waa Akhrinta 2aad ee Miisaaniyadda 2022” ayaa lagu yiri qoraal loo kala diray xildhibaanada.

Senatorada Aqalka Sare ayaa sidoo kale loo diray fariin sheegeysa iney maalinta berrito Juun 28, 2022 uu jiro kulan Wadajir ee Labada Aqal ee BFS, Ajendaha, Akhrinta 2aad ee Miisaaniyadda Qaranka 2022.

 

 

Related posts

Maamulka gobolka Benaadir oo ka laabtay amar uu bilo ka hor soo saaray

Caydiid Ali

Xil ka qaadis lagu sameeyay Cumar Cabdulaahi Faraweyne (Akhriso Digreeto)

Cabdi Cade

Madaale oo taageero culus weydiistay dhigiisa magaalada Doha (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---