Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidamada Danab oo dib u qabsaday degaan ay dhowaan la wareegtay Al-shabaab

Ciidanka Kumandoska xoogga dalka ee DANAB ayaa gudaha u galay degaanka Ceelbaraf oo hoostaga degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Degaankaas oo ay horey gacanta ugu hayeen ciidamada AMISOM iyo kuwo Soomaali ah ayaa dhowaan waxaa qabsaday Al-Shabaab oo weerar khasaare badan dhaliyey ku qaaday.

Ciidanka Danab oo watay Gaadiidka dagaalka ayaa la sheegay inay si nabadgelyo ah kula wareegeen degaanka Ceel-baraf kadib markii ay isaga baxeen Al-Shabaab.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in ciidanka Danab ay degaanka ka wadaan howlgalo amaanka lagu sugayo, iyagoo guri guri u baaraya.

Shacabkii ku dhaqnaa degaanka Ceel-baraf ayaa isaga barakacay kadib markii ay ka baqeen in dushooda lagu dagaalamo.

Xaalad kacsan ayaa ka jirtay degaanka tan iyo markii Bishii May ee sanadkan ay Al-Shabaab weerar qaraxyo ku billowday ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Burundi, taasoo sababtay inay degaanka isaga baxaan Ciidankaas.

 

 

Related posts

Doorashada Soomaaliya oo shaki la galinayo iyo Waqtiga ay qaadaneyso oo…

Cabdi Cade

DF oo War ka soo saartay dagaalkii ka dhacay degmada Baardheere

Caydiid Ali

DF oo talooyin u jeedisay dadka ku dhaqan gobolo ay khatar ku soo wajahan tahay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---