Shabakadda Wararka ee syriahr.com ayaa qortay in la dilay nin Soomaali ahaa oo Taliye ka ahaa xoogaga Daacish ee ku sugan gobolka Idlib ee dalka Siiriya.
Taliyahan Soomaaliga ah oo magaciisa lagu soo koobay Abu-hurayrah Al-Somali ayaa la sheegay in Jimcihii la soo dhaafay la dilay ka dib markii ay Kooxo hubeysan jidka u galeen xilli uu ku safrayey waddo u dhexeeysa magaalada Idlib iyo degmadda Saraqeb sida ay xaqiijiyeen kooxda la socodka xuquuqda Aadanaha dalka Siiriya ee fadhigoodu yahay magaalada London.
Tafaasiil badan lagama bixin sababihii Abu Hureyrah Al-Somali loo dilay iyo kooxdii ka dambeysay, balse kooxda xuquuqda Aadanaha dalka Siiriya ayaa diiwaan-gelisay in 15 ka tirsan saraakiisha Daacish lagu dilay qaraxyo iyo weeraro ka dhacay gobolka Idlib tan iyo Jimcihii la soo dhaafay.
Waxaa horey loogu dilay dalka Siiriya tobanaan Soomaali oo ay ka mid yihiin wiil uu dhalay Hogaamiyaha Xisbiga UCID ee Somaliland, Faysal Cali Waraabe, kaasoo la oran jiray Xuseen Faysal iyo Faarax Maxamed Shirdoon oo uu adeer u ahaa Ra’isul-wasaarihii hore ee Dowladdii KMG Somalia, Cabdi Faraax Shirdoon (Saacid), waxayna labada nin ka tirsanaayeen kooxda Daacish oo haatan la wiiqay awoodii ay sanado ka hor ku lahaayeen dalalka Siiriya iyo Ciraaq.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com